Skip to main content
Helping children, young people and their families thrive

Language Support - Somali

Barashada ururka Gargaarka Qoyska  (Family Support)

Waxaan halkaan u joognaa qoysaska Hammersmith iyo Fulham.
 
Xarumahayaga qoysasku waxay hooyooyinka, aabbayaasha, xannaaneeyayaasha iyo carruurtaba ka caawiyaan sidii ay saaxiibo cusub u sameysan lahaayeen oo u wada cayaari lahaayeen, waayoaragnimadoodana isu weydaarsan lahaayeen.   

Waxaan halkaan u joognaa inaan talo iyo taageeraba u fidinno qoysaska waxbarashada gaarka ah u baahan iyo kuwa naafada ah.  

Af Ingiriis ma taqaanid? Dhib ma leh!

Haddii qoyskaaga ama adiguba aydaan Ingiriiska ku hadli karin, qori karin ama akhriyi karin – fadlan nala soo xiriir. 

Annaga ayaa turjumaadda kaa caawin karna. Dad badan oo shaqaalahayaga iyo qoysaskayaga ka mid ah ayaa luqado dhawr ah ku hadla ama haddii kale turjumaan ayaan kuu keenaynaa. Mar kasta qof ku caawiya waad naga heli doontaa!

Qaar badan oo xarumahayaga ka mid ahi waxay bixiyaan casharro Ingiriiska oo luqad ahaan loo baranayo ah (ESOL), carruurta shanta sano ka yar waxaa iyagana loo hayaa ‘xannaano carruureed’ ay ku nastaan. Macluumaad intaas ka badan, ka raadi http://www.hfals.co.uk/english-and-esol/ 

Carruurta da’doodu afar sano ka yar tahay si dhakhso ah ayay isku mar luqado kala duwan ugu baran karaan . Marka adiga iyo carruurtaadu aad luqad cusub baranaysaan, xarumaha carruurtu waa meelaha ugu haboon oo aad saaxiibadaa Ingiriiska ugula sheekaysan kartid.